“Waa markii ugu horreeysay aan dareemo inay naga heer sareeyaan Real Madrid.”. Pique oo calaa calay

pi

(Madrid) 17 Agoosto 2017. Gerard Pique ayaa qiray inuu markii ugu horreysay dareemayo inay ka liitaan ama ka heer hooseeyaan kooxda Real Madrid kaddib markii xalay looga adkaaday 2-0 isla markaana laga qaaday Supercope.

Los Blancos ayaa 5-1 isku cel celis ku martay Barca labada lug, iyadoo wiilka yar ee Marco Asensio uu ka dhaliyay gool caaqibo leh oo la xusuusnaan doono.

“Xilli ciyaareedku aaduu u dheeryahay, waxaana heysanaa waqti aan isku hagaajin karno,” Pique ayaa sidaa yiri.

“Laakiin 9-sano aan ku sugnaa Barcelona waa markii ugu horreysay aan dareemo inaan ka heer hooseyno Real Madrid.

“Waa run inay sanadii la soo dhaafay ku guuleysteen Champions League, laakiin halkan ayaan nimid guul ayaana ku gaarnay waqti aan saas u fogeyn ka hor.”.

Pique ayaa dhanka kale ugu baaqay saaxiibadiisa isku duubni si ay dhibka uga gudbaan.

“Kuma jirno waqtiga ugu fiican shax ahaan iyo koox ahaanba.

“Waa inaan isugu soo dhawaano sida ugu macquulsan aana isk dayno inaan tartiib horey ugu wada socono.

“Waa inaan la noolaanaa guul darada aana aqbalnaa inay naga fiicneyd Real Madrid.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close