Real Madrid oo jabin karta RIKOOR kaddib gushii xalay

p

(Madrid) 17 Agoosto 2017. Real Madrid waxa ay qarka u saaran tahay in ay taariikh sameyso kaddib markii ay xalay 2-0 uga badisay Super Cup-ka Barcelona.

Goolkii quruxda badnaa ee Marco Assensio ee daqiiqadii shanaad ayaa halkiisii ka sii ambaqaaday taxanaha gool dhalinta ee Real Madrid.

Los Blancos waxa ay iminka goolal dhalineysay 68 kulan oo xiriir ah sida laga soo xiganayo Marca, waxa ay sooyaalkaas uga dambeeyaan kooxda Santos oo qura.

Kooxda reer Brazil 74 kulan oo is xiga ayey shabaqa soo taabaneysay waana waayihii uu masraxa saarnaa Pele.

Waqtigaas Santos 51 jeer ayey badisay halka ay bar bar dhac gashay 14 mar.

Real hada wey  badisay kulamo le’eg inta Santos waliba iyada oo 6 ciyaarood ka tiro yar inta ay dheeshan waxa ayna bar bar dhac gashay 12.

Hase ahaatee, Real oo hadda ku dhaw jabinta rikoorkaas Santos hadana aad ayey uga hooseysaa tirada goolasha.

Santos-side-with-Pele-scored-254-goals-during-their-run-of-74-games-1035527

245 gool ayey ku dhaliyeen 74 kulan taas oo cel celis ahaan noqoneysaa kulankii 3 gool.

Hadda Real waxa ay dhalisay 168 gool.

Real waxa ay jabisay rikoorkii ay Europe ka dhigtay Bayern Munich ololihii 2012-13 iyo 2013-14 kaddib markii ay xilli ciyaareedkii hore dhalisay 62 gool oo xiriir ah.

Toddobada kulan ee Rea Madrid ku soo fool leh waxaa ka mida Deportivo, Valencia, Levante, Real Sociedad, Real Betis, Alaves iyo Espanyol balse wali lama sameyn isku aadkii Champions League-ga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close