LAMA FILAAN: Messi ilaa haatan Heshiis cusub uma saxiixin Barcelona (Sideey wax u jiraan)

Image result for messi disappointed

(Barcelona) 17 Agoosto 2017 Barcelona ayaa xili hore shaacisay in Lionel Messi ay kula heshiisay inuu saxiixo heshiis cusub oo ku eg ilaa 2021.

Laakiin madaxwayne ku xigeenka Barcelona ee Jordi Mestre ayaa maanta sheegay in kooxdu wali ay ka shaqaynayso sidii Messi uu ku saxiixi lahaa heshiis cusub.

Image result for messi disappointed

Niyad jab ayaa soo wajahay laacibka reer Argentina kadib bixitaankii Neymar iyo guul darooyinkii is xigay ee kooxda ka soo gaaray Real Madrid.

Jordi Mestre ayaa horay u sheegay in 200% uu hubo in Neymar uu sii joogayo Barcelona xaggaagan laakiin warkiisa ayaa noqday mid been ah, arinka ayaana laga cabsanayaa inuu ku dhamaado si lamid ah qaabkii Neymar.

Madaxwayne ku xigeenka Barcelona ee Jordi Mestre ayaa la waydiiyay bal inuu hubo in Messi-na 200% uu saxiixayo heshiis cusub? wuxuuna ku jawaabay:

“Arinkaas waa mid mashquuliyay dadka oo dhan, anaguna waxaan xooga isugu geynay heshiis kordhintiisa, waan ku kalsoonahay inuu saxiixi doono 100%”.

“Shaqada heshiis kordhinta Messi waxay u muuqataa mid fiican, waan layaabi doonaa haddii Messi uusan saxiixin heshiiska cusub”.

“Kama shalaaysani hadalkeygii ahaa in Neymar 200% uu sii joogayo kooxda, ma jirin qof ka tirsan kooxda oo ogaa kala barkii July inuu baxayo”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close