Kylian Mbappe oo laga saaray shaxda Monaco ee habeen dambe wajahaya kooxda Metz

(Monaco) 17 Agoosto 2017 Tababare Leonardo Jardim ayaa ka saaray Kylian Mbappe liiska ciyaartoyda Monaco ee habeen dambe la ciyaaraya kooxda Metz.

Monaco oo guul gaartay labadii kulan ee ugu horaysay horyaalka France ayaa habeen dambe marti u noqon doonta kooxda Metz.

Kylian Mbappe ayaa kursiga keydka ka daawaday kulankii kooxdiisu ay 4-1 uga adkaatay Dijon axadii markaas oo Falcao oo seddexleey dhaliyay.

Arinkaan ayaa imaanaya xili uu mugdi ku jiro mustaqbalka 18 jirka reer France kaas oo si wayn loola xiriirinayo kooxda PSG.

Warar hoose oo la helayo ayaa sheegaya in go’aankaan uu yimid kadib heshiis dhexmaray maamulka kooxda iyo aabaha dhalay laacibka, waxaana lagu heshiiyay in laacibku uusan u safan kooxda ilaa laga go’aamiyo mustaqbalkiisa.

Waxaana la filayaa in wadahadal dheer ay wada qaataan maamulka Monaco, aabaha dhalay Kylian Mbappe iyo laacibka qudhiisa maalmaha soo socda.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close