GEERI NAXDIN LEH: Guddoomiyaha Garsoorayaasha Soomaaliya oo la toogtay

gud

(Muqdisho) 17 Agoosto 2017. Inaa lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun, waxaa caawa muqdisho lagu dilay guddoomiyihii waaxda garosoorka xiriirka kubada cagta Soomaaliya.

Gudoomiyaha Garsoorayaasha Soomaaliyeed mudane Cusmaan Diraac ayaa Dabley hubeysan waxay ku dileen Degmada Warta Nabada gaar ahaan Xaafada Xamar Bile.

Image may contain: 3 people, people standing, outdoor and nature

Sida ay noo xaqiijiyen dad goobjooyaal ah marxuumka ayaa ka soo baxay salaada cisha ee caawa fiidkii waxaana loola cararay isbtiaal hasa yeeshii dhaawicii soo gaaray ayuu u geeriyooday.

Allaha u naxariistee Cusmaan Jaamac Diraac wuxuu ku dhashay gobolka Galgaduud gaar ahaan dagmada Dhuusa Mareeb wuxuuna mar u matalay gobolka goolhaye, isagoona ku soo biiray waaxda garsoorka markii ay dhacday dowladii dhexe ee Soomaaliya wuxuuna kulamo badan ka soo qabtay wadamada Africa.

Inaa lilaah Wainaa ileehi Raajicuun.

Gool FM.

Xariir La Leh

2 Comments

  1. Asc cool fm inaa lilaah wa ina ilayhi rajicun geerida kutimid walalkayga iga wayna waadna mahadsan tihiin muruga iyo tacsida aad nala wadaagteen cool fm

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close