EL: ACM VS SHK 6-0….AC Milan oo ku heestey kooxda Shkendija + Sawirro

(Milano) 17 Agoosto 2017 – Kooxda AC Milan ayaa si xarrago leh u badisay lugta hore ee kulan laba lugoodle ah oo kala bax ah kaddib markii ay 6-0 ku jiirtay kooxda Shkendija.

Laacibiinta Andre Silva oo xagaagan Milan kula soo biiray lacag dhan 40 milyan oo euro iyo Riccardo Montolivo ayaa min laba ku lahaa goolasha, halka  Fabio Borini iyo Luca Antonelli ay lahaayeen labada kale oo ku yimid badhig boqol ah oo ay soo bandhigtay Milan.

Leonardo Bonucci ayaa kulan-bilowgiisii u saftay kooxdiisa Milan oo uu sidoo kale kabtan u noqday, waxaase maqnaa Lucas Biglia iyo Alessio Romagnoli, halka M’Baye Niang, Gustavo Gomez, Davide Calabria, Gabriel Paletta iyo Jose Sosa aan kulankan loogu yeerin kulankan oo ay San Siro ku daawanayeen 40,000 oo qofi.

Riccardo Montolivo ayaa kusoo noqday jidkii gooldhalinta Milan, iyadoo laacibka Rossoneri markii ugu dambaysay gool uu dhaliyo ay ku beegnayd 13 Abriil 2014 markaasoo Montolivo uu ahaa dhaliyaha 1-0 ay ku badiyeen, taasoo ka dhigan inuusan gool dhalinin 1222 maalmood. 

Markii ugu dambaysay ee ay Rossoneri hal ciyaar 6 gool Yurub ka dhaliso waxay ahayd Oktoobar 1993-kii oo ay xaaqday FC Copenhagen.

Kooxda Rossoneri oo laba lugood oo kale horay ula soo ciyaartay Craiova oo ay 4-0 ku reebtay isu gayn ahaan ayaa 24-ka bishan lugta 2-aad kusoo ciyaari doonta dalkaasi Macedonia.

b b1 b2 b4 b5 B6 B7 B8 B9 B10 B11 B12 B14 B15 B17 B19 B20 B21 B23 B24 B25 B26 B28 B29 B30 B31 B32 B33 B34 B35 B36 B37 B39 B40 B44 B49

b5

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close