DEG DEG: Real Madrid oo tirada ugu badan ku leh Liiska Musharaxiinta abaal marinta laacibka ugu fiican ee FIFA

Los Blancos

(Madrid) 17 Agoosto 2017. Fifa ayaa soo saartay laacibiinta u sharaxan abaal marinta xiddigaha ugu fiican ee The Best sanadka 2017 iyadoo ay ciyaartoyda ugu badan ku leeyihiin ku guuleystayaasha Champions League iyo La Liga ee Real Madrid.

24 ka laacib ee u sharaxan abaal marintan ayaa 7 ka mid ah waxay u saftaan kooxda Zidane.

Cristiano Ronaldo, Dani Carvajal, Toni Kroos, Luka Modric, Keylor Navas iyo Sergio Ramos.

Barcelona ayaa iyadu liiskan ku leh Lonel Messi, Luis Suarez, Andres Iniesta iyo Neymar, inkastoo laacibka dambe iminka loo diiwaan galiyay PSG.

Antoine Griezmann ee u safta Atletico Madrid ayaa ah laacibka kale ee ka socda La Liga ee u sharaxan abaal marinta, halka horyaalka Faransiiska uusan midna ku lahayn iyadoo ay jirto wacdarihii ay dhigeen Mbappe, Radamel Falcao iyo Fabinho.

Premier League ayaa ku leh xiddigo dhowr ah sida, Hazard, Kante, Ibrahimovic iyo Sanchez.

EEG LIISKA OO DHAMMEYSTIRAN:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close