Wenger oo u sheegay Chelsea in Alex Oxlade-Chamberlain uusan iib ahayn

(London) 16 Agoosto 2017 Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa diiday in Alex Oxlade-Chamberlain uu ka iibiyo Chelsea.

Blues ayaa wadahadal ku aadan saxiixa Chamberlain la furtay Arsenal, waxayna kuhami waynaayeen in laacibka reer ingiriis ay ku heli karaan 35 milyan oo Ginni.

Wenger ayaa sheegay in Alex Oxlade-Chamberlain uu noqon karo laacib wax tar fiican u leh ingiriiska labo ilaa seddexda sano ee soo socota.

“Shaqsi ahaan waxaan si wayn ugu tiriyaa inuu kamid yahay ciyaartoyda sare ukaca samaynaya, sanadkii hore wuxuu sameeyay hormar wayn” ayuu yiri Wenger.

“Waxaan doonayaa inuu halkaan sii joogo mudo dheer, waxaan ku qanacsanahay inuu noqon doono ciyaartoyda ingiriiska ee dadka dhan ay isha ku hayn doonaan labada sano ee soo socota”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close