RASMI: Carlos Bacca oo ku biiray kooxda Villareal + Muuqaal

(Villareal) 16 Agoosto 2017 – Villarreal ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay la wareegtey laacibka Carlos Bacca oo ay AC Milan ka amaahdeen.

Heshiiska ayaa lagu baahiyay baraha Facebook iyo Twitter-ka rasmiga ah ee Villarreal, taasoo laga arkayo Bacca oo lambarka 9-aad xiran, waxaana la dareensan yahay in kooxda La Liga ay bixisay €2.5m oo ay ku amaahatay Colombian-kan oo ay sanadka dambe ku wada iibsan karto €15.5m.

Bacca ayaa Milan kaga yimid Sevilla sanaddii 2015 isagoo u dhaliyay 34 goool 78 kulan oo uu u saftay Rossoneri balse waxay fasalkii tegey isku dheceen macallin Vincenzo Montella.

b1

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close