Laacibiinta AC Milan ee habeen dambe wajahaya Shkendija oo lagu dhawaaqay!

(Milano) 16 Agoosto 2017 – AC Milan ayaa ku dhawaaqday laacibiinta ay u xulatay lugta hore ee kala baxa Europa League ee ay berri kaga hortagayaan Shkendija, waxaana safka ka maqan M’Baye Niang, Gabriel Paletta iyo Davide Calabria.

Niang iyo Paletta ayaan maanta xitaa ka qayb qaadanin tababarka iyagoo haatanna ka maqan kooxda, maaddaama ay suuqa yaallaan oo ay iib yihiin.

Jose Sosa ayaa isagu kooxda la tababartay galabta, balse haatan kuma jiro kooxda la xulay, halka Calabria iyo Gustavo Gomez ay maqan yihiin.

Lucas Biglia iyo Alessio Romagnoli ayaa dhaawacyo ku maqan.

Kooxda Milan ee wajahaysa Shkendija A Donnarumma, G Donnarumma, Storari; Abate, Antonelli, Bonucci, Conti, Gabbia, Musacchio, Rodriguez, Zapata; Bonaventura, Calhanoglu, Kessié, Locatelli, Montolivo; Borini, Cutrone, Andre Silva, Suso

ROME, ITALY - MAY 21: Team of AC Milan prior the TIM Cup match between AC Milan and Juventus FC at Stadio Olimpico on May 21, 2016 in Rome, Italy.  (Photo by Giuseppe Bellini/Getty Images)
ROME, ITALY – MAY 21: Team of AC Milan prior the TIM Cup match between AC Milan and Juventus FC at Stadio Olimpico on May 21, 2016 in Rome, Italy. (Photo by Giuseppe Bellini/Getty Images)

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close