Danilo oo ka hadlay El-Clasico, muxuuse ka yiri ganaaxii Ronaldo?

(Madrid) 16 Agoosto 2017 Daafaca Manchester City ee Danilo ayaa ka hadlay kulanka El-Clasico oo lugtiisa labaad la ciyaari doono caawa.

Danilo ayaa guul u rajeeyay kooxdiisii hore ee Real Madrid, wuxuuna sheegay inay u qalmeen guushii ay ku soo gaareen Camp Nou.

26 jirka reer Brazil ayaa dhaliilay casaankii loo taagay Ronaldo iyo ganaaxii uu kala kulmay xiriirka kubadda cagta Spain.

“Ganaaxii Ronaldo wuxuu ahaa mid aan sax ahayn, waxaan u arkaa inuusan istuurin” ayuu yiri Danilo.

“Real Madrid guul ay u qalantay ayeey ka gaartay Barcelona kulankii hore laakiin wali waxaa harsan kulan kale”.

“Waxaan rajaynayaa in Real Madrid ay guulaysato”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close