Cristiano Ronaldo oo markii ugu horreysay ka hadlay ganaaxa 5-ta kulan ee la dul dhigay

rrrr

(Madrid) 16 Agoosto 2016. Cristiano Ronaldo ayaa ka hadlay oo ka soo horjeestay ganaaxa 5-ta kulan ee la dul dhigay isagoona ku tilmaamay mid laga bad badiyay isla markaana wax lagu qoslo ah.

Xiddiga Real Madrid ayaa garoonka laga saaray ciyaartii Supercope lugtii hore ay 3-1 uga soo adkaadeen Barcelona waxaana loo raaciyay ganaax 5 kulan ah maadaama uu kala tuuray garsooraha ciyaarta.

Xiriirka kubbada cagta ee Spain ayaa maanta soo diiday racfaan ay Real Madrid ka gudbisay ganaaxa laacibkooda taa oo la micno ah in Ronaldo uu seegayo kulanka caawa ee lugta labaad Supercope iyo weliba kulamada La Liga ay la kala ciyaari doonaan Deportivo La Coruna, Valencia, Levante iyo Real Sociedad.

“Suuro gal maahan inaysan  i saameyn xaaladan, 5-kulan,” Ronaldo ayaa sidaa ku soo qoray boggiisa Instagram.

“Waxay ila muuqataa mid la buun buuniyay oo lagu qoslo, tani waa dhibaateyn.

“Saaxiibadeyda kooxda iyo taageerayaasha waad ku mahadsan tihiin taageeradiina.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close