Blaise Matuidi oo soo gaarey magaalada Torino si uu Juve caafimaadka ugu maro + Sawirro

(Torino) 16 Agoosto 2017 – Blaise Matuidi ayaa soo caga dhigtay magaalada Torino si uu caafimaadka ugu maro kooxda Juventus, iyadoo ay garoonka uga hortageen ila iyo 50 taageeree oo jidbaysan.

Laacibkii hore ee Paris Saint-Germain khadka dhexe uga dheeli jorey ayaa lagu wadaa inuu ku biiro kooxda Bianconeri, oo ku qaadanaysa lacag u dhaxaysa €20m ilaa €30m, iyadoo lagu wado inuu saxiixo qandaraas 3 sanadood ah oo uu midkiiba ku qaadanayo €4.5m isagoo xitaa ku jiri kara kooxda kulanka ay Sabtiga la yeelanayaan Cagliari.

 

30-jirkan oo 58 kulan u saftay Faransiiska isla markaana 4 jeer PSG la qaaday Ligue 1 ayaa waxaa J-Medical ku salaamey taageerayaal xayn ah.

b1 b2 b3 b5 b8

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close