Barcelona wax guul ah kuma gaarin Santiago Bernabeu marka ay ciyaarayso Super Cup-ka Spain

(Madrid) 16 Agoosto 2017 Barcelona ayaa rikoor xun ka haysata garoonka Real Madrid marka ay ciyaarayso Super Cup-ka Spain.

Kooxda reer Catalonia ayaa ku ciyaartay Santiago Bernabeu 6-jeer oo ah koobka Super Cup-ka Spain mana gaarin wax guul ah sida ay baahisay AS.

Image result for Santiago Bernabeu barcelona super cup

6-daas kulan kaliya hal kulan ayeey barbaro ku gashay Santiago Bernabeu kooxda Barcelona.

Laakiin dhamaan 5-tii kulan ee kale waxaa dhabarka loo saariyay guul daro, 1988 waxaa looga adkaaday 2-0, 1990 waxaa loogu awood sheegtay 4-1.

1993 waxaa lagu maquuniyay 3-1, 1997 waxaa lagu dubtay 4-1, 2012 waxaa looga adkaaday 2-1.

Dhanka kale Real Madrid ayaa rikoorkaas mid ka wanaagsan haysata marka ay ku ciyaarayso garoonkeeda Santiago Bernabeu.

Kooxda caasimada ayaa ku ciyaartay garoonkeeda 13-kulan oo Super Cup-ka Spain ah, waxay guulaysatay 11-kulan halka laga adkaaday 2-kulan oo kala ah 1995 oo Deportivo ay uga adkaatay 2-1 iyo 2007 oo Sevilla ay ku dharbaaxday 6-3.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close