Alexis Sanchez oo seegaya kulanka Stoke City, Goorma ayuu soo laabanayaa?

Image result for Wenger Sanchez

(London) 16 Agoosto 2017  Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa xaqiijiyay in laacibkiisa Alexis Sanchez uu ka maqnaanayo kooxdiisa kulanka Stoke City.

Arsenal ayaa marti u noqon doonta 7:30 fiidnimo ee waqtiga barriga afrika kooxda Stoke City sabtiga.

Image result for Wenger Sanchez

Arsene Wenger ayaa xaqiijiyay in Alexis Sanchez uu seegi doono kulanka Stoke City isla markaana uu soo laaban doono kulanka xiga ee Liverpool.

“Mertesacker, Mustafi iyo Coquelin dhamaan taam ayeey u yihiin kulanka Stoke City” ayuu yiri Arsene Wenger.

“Sanchez sifiican ayuu u tababaranayaa, soo laabashadiisuna waa mid sifiican u socota, laakiin ma ciyaari doono kulanka Stoke City oo xili hore ayeey ku tahay isaga balse wuxuu ciyaari doonaa kulanka xiga ee Liverpool”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close