RASMI: Goolhayaha Jeenyo Mustaf oo ku biiray Heegan…+SAWIRRO

(Muqdisho) 15 Agoosto 2017. Goolhayaha kooxda kubbada cagta ee LL.PP.Jeenyo iyo xulka qaranka Soomaaliya Mustaf Maxamed Yuusuf(Nakuja)  ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda Heegan.

Mustaf ayaa ka mid ahaa 7 ciyaaryahan ee safka hore Jeenyo oo isaga soo tagay naadigooda kaddib markii ay ka soo qaateen warqada ogolaanshaha sida uu maamulku xaqiijiyay.

Shalay ayuu ahaa markii uu warku soo shaac baxay isla maanta oo talaado ah goolhaye Mustaf ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Heegan.

Mustaf ayaa kooxdiisa cusub u saxiixay qandaraas ku eg ilaa 2019.

Wiilka lagu naaneyso Nakuja wuxuu waqti qurxoon la soo qaatay kooxda shacbiyada badan ku leh Soomaaliya ee Jeenyo iyadoo koobkii ugu dambeeyay uu la soo qaado uu ahaa midkii ay ka dhigteen Banaadir 2016 koobka Janaraal Daa’uud.

SAWIRRO:

goool

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and stripes

Image may contain: 2 people, people standing

Cabdifitaax Nani

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close