“Neymar waxuu naga caawinayaa ku guulaysiga Champions League” – Dani Alves

 Dani Alves believes his compatriot will go from strength to strength after his debut strike

(Paris) 15 Agoosto 2017 Daafaca kooxda PSG ee Dani Alves ayaa sheegay in saaxiibkiis Neymar uu ku raaxaysanayo kooxdiisa cusub.

Neymar ayaa gool u dhaliyay PSG kulankiisii ugu horeeyay wuxuuna caawiyay midkale isaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed aad loola dhacay.

Alves has seen Neymar scoring goals throughout his career at both club and international level

Dani Alves ayaa sheegay in Neymar uu dadka tusiyay in PSG ay ku saxnayd lacagtii faraha badnayd ee ay kula soo saxiixdeen xaggaagan.

“Neymar sifiican ayuu uga dhex muuqday ciyaarta wuxuuna dhamaystiray wixii ka dhimanaa PSG, wuxuuna muujiyay sababtii kooxdu ay ula soo wareegtay” ayuu yiri Dani Alves.

“Neymar wuxuu ku raaxaysanayaa PSG, wuxuuna doonayaa inuu la qaado koobab, uma ciyaarayo magaciisa oo kale laakiin wuxuu soo bandhigayaa xirfadiisa”.

“Neymar wuxuu naga caawinayaa ku guulaysiga Champions League”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close