Messi oo isku dayay in Neymar uu ku celiyo Barcelona iyo balan qaadkii uu u sameeyay oo daaha laga rogay

Image result for Messi y Neymar]

(Barcelona) 15 Agoosto 2017 Lionel Messi ayaa intii karaankiisa ah isku dayay in Neymar uu ku celiyo Barcelona ka hor intii uusan u dhaqaaqin PSG.

Wargayska Sport ayaa daaha ka rogay in Messi uu u balan qaaday Neymar inuu ka caawinayo sidii uu ugu guulaysan lahaa Ballon d’Or.

Alves Neymar

21-kii July ayeey ahayd markii Messi iyo Suarez ay kulan waqti dheer qaatay kula yeesheen Neymar mid kamid ah Hotelada maraykanka xiligaas oo kooxdu ay ka qayb galayso koobka ICC.

Labada laacib ayaa isku dayay in Neymar ay badalaan go’aanka uu ugu dhaqaaqayo PSG oo iyagu ay ogaayeen waqtigaas.

“Maxaad doonaysaa? ma waxaad doonaysaa ku guulaysiga Ballon d’Or? aniga ayaa kugu gacansiinaya sidii aad ugu guulaysan lahayd” ayuu Messi ku yiri Neymar.

Messi ayaana soo muujiyay balan qaadkii uu u sameeyay Neymar kulankii Juventus ay 2-1 uga adkaadeen markaas oo Neymar uu noqday xiddiga garoonka.

Laakiin isku daygii Messi iyo Suarez ma noqon mid mirodhala maadama laacibku uu ka dhabeeyay go’aankiisa ahaa ku biirida PSG.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close