GUNDOGAN oo dib ugu soo laabtay garoomada xilli laga adkaaday Man City…+MUUQAAL

L_IHWVsZ

(England) 15 Agoosto 2017. Ilkay Gundogan ayaa sideed bilood kaddib ka soo muuqday Man City kulan saaxiibtinimo ay maanta guul daro 1-0 kala kulmeen Girona.

Laacibka qadka dhexe ee dhaawac jilibka ah ka soo gaaray kulan ay kooxdiisu 2-0 uga adkaatay Watford bishii December ee la soo dhaafay ayaa 20-daqiiqo ka soo muuqday qeybta labaad ee dheesha kulanka saaxiibtinimo ee laga adkaaday wiilasha Guardiola.

Bedel badan ayaa ka muuqatay shaxda Guardiola oo ay u badnaayeen da’yar waxaana safka hore ee kooxda kaliya kaga jiray Danilo.

Photo published for Girona edge out City in tight affair

Portu ayaa dhaliyay goolka qura ee ciyaarta daqiiqadii 14 kaddib markii uu kubbad weerar rogaal celis ah daba mariyay goolhaye Claudio Bravo.

DAAWO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close