Goorma ayaa la bixinayaa abaal arminta laacibka ugu fiican Qaarada Yurub?

ff

(Europe) 15 Agoosto 2017. Xiriirka UEFA ayaa si kama dambeys ah u shaaciyay saddexda xiddig ee ku dagaalami doonta abaal marinta laacibka ugu fiican qaarada Yurub UEFA Player of the Year.

Cristiano Ronaldo (Real Madrid), Lionel Messi (Barcelona) iyo Gianluigi Buffon (Juventus) ayaa isugu soo haray abaal marinta iyadoo uu ugu cad cad yahay xiddiga reer Portugal.

Abaal marinta ayaa waxaa la bixin doonaa 24 ka bishan iyadoona la sameyn doono isku aadka koobka dhaga waynaha ee Champions League.

Sidoo kale waxaa la bixin doonaa abaal marinda kal ah:

Goolhayaha ugu fiican oo ay ku tartami doonaan, Gianluigi Buffon (Juventus), Manuel Neuer (Bayern Munich), Jan Oblak (AtleticoMadrid).

Daafaca ugu fiican:

Leonardo Bonucci (Juventus – now AC Milan), Marcelo (Real Madrid), Sergio Ramos (Real Madrid).

Qadka Dhexe ee ugu fiican Yurub:

Casemiro (Real Madrid), Toni Kroos (Real Madrid), Luka Modric (Real Madrid).

Weerarka ugu fiican:

Paulo Dybala (Juventus), Lionel Messi (Barcelona), Cristiano Ronaldo (Real Madrid).

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close