Eden Hazard iyo Tiemoue Bakayoko oo dib ugu soo laabtay tababarka buuxa ee Chelsea (SAWIRRO)

(London) 15 Agoosto 2017 Tababaraha kooxda Chelsea ee Antonio Conte ayaa helaya akhbaar wanaagsan ka hor kulanka Tottenham ee axada.

Mirror ayaa baahisay in Tiemoue Bakayoko iyo Eden Hazard lagu arkay saaka tababarka buuxa ee kooxda Chelsea.

Labadaan laacib ayaa ka maqnaa labadii guul daro ee soo gaartay Blues furitaanka xiliciyaareedka cusub kadib guul daro ka soo kala gaartay Arsenal iyo Burnley.

Eden Hazard ayaa qaliin looga sameeyay anqawga lugta midig bishii June kadib dhaawac uu kala kulmay xerada tababarka ee xulkiisa Belgium.

Tiemoue Bakayoko oo xaggaagan uun ku soo biiray Chelsea ayaa la maqnaa dhaawac fudud oo uu qabay kadib qaliin lagu sameeyay, saaka ayuuna sifiican uga soo dhex muuqday tababarka Blues.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close