”Waad hadal badan tahay!!” – Immobile oo xalay ku camirtay Pjanic + Sawirro

(Roma) 14 Agoosto 2017 – Waxaa xalay ciyaar cajiib ahayd ku kala baxay kooxaha Juventus vs SS Lazio oo ciyaaray final-ka Super Coppa Italianna oo ku qabsoomay magaalada Roma.

Ciyaartan oo aad u xiisa badnayd ayaa waxaa 3-2 ku badisay Lazio oo daqiiqaddii ugu dambaysay goolka guusha ka xaraysay Juventus.

Yeelkeede, waxyaabo badan oo xiise leh ayaa ciyaartan ka dhacay waxaana ka mid ahayd isku dhicii Ciro Immobile iyo Mirelem Pjanic oo isagu haraatiyay qannaaska Lazio.

Immobile oo labada gool ee koowaad Lazio u dhaliyay ayay shaashaddu qabanaysay isagoo gacanta ku muujinaya jeesto micneheedu yahay ”waad war badan tahay ee aamus”, taasoo ku socotey isla Pjanic, waxayna noqotay sheeko aad loo qaad qaadayay maanta.

b b1 b3 b4 b5 b7 b8 b9 b10

Untitled

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close