“Real Madrid ayaa u dhaw hanashada Super Cup-ka Spain” – Valverde oo isdhiibay

(Barcelona) 14 Agoosto 2017 Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa durba isdhiibay kadib markii kooxdiisa loogu awood sheegtay 3-1 kulankii lugta hore ee Super Cup-ka Spain.

Valverde ayaa sheegay in Real Madrid ay tahay kooxda ugu dhaw hanashada Super Cup-ka Spain kadib guushii ay ku soo gaareen Camp Nou.

“Natiijadu waa mid ay adagtahay in la aqbalo, Real ayaana ah kooxda ugu dhaw hanashada koobka, taasi waa waxa ay tahay inaan qirano, laakiin waxaa jira kulan kale” ayuu yiri Valverde.

“Waxay dhaliyeen 3-gool laakiin sifiican ayaan u ciyaarnay, nasiib xumo gool ayaan iska dhalinay, kadib barbarihii waxay naga dhaliyeen gool kadibna gool kale”.

“Muhiim ma ahan kaliya inaad gaarto goolkooda laakiin muhiimadu waa inaad ka faa’idaysato fursadahaaga, waa inaan horay u sii soconaa”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close