RASMI: Barcelona oo dhamaystirtay saxiixa Paulinho

(Barcelona) 14 Agoosto 2017 Barcelona ayaa shaacisay inay dhamaystirtay saxiixa laacibka reer Brazil ee Paulinho.

Kooxda reer Spain ayaa kula soo wareegtay Paulinho aduun dhan 40 milyan oo euro oo ah qiimaha lagu burburin karay heshiiskiisa kooxda Guangzhou Evergrande ee dalka shiinaha.

Paulinho ayaa qalinka ugu duugaya kooxda Barcelona heshiis 4-sano ah, barri ayuuna mari doonaa tijaabada caafimaadka sida ay xaqiijisay kooxda.

Barcelona ayaa intaa ku dartay in qandaraaska Paulinho lagu burburin karo 120 milyan oo euro, waxaana saxaafada loo soo bandhigi doonaa khamiista.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close