Mediaset Premium oo ciyaaraha CL fasalkan looga daawan doono qaab ka duwan sidii hore!

(Milano) 14 Agoosto 2017 – Kahor bilowga isreebreeb-horaadka Champions League oo berri oodda laga qaadi doono, hilinka Talyaaniga ah ee Mediaset Premium ayaa ku dhawaaqay inuu bedeli doono qaabkii uu u iibin jirey ciyaaraha laga daawado.

Laga bilaabo fasal-ciyaareedkan 2017-2018, si ka duwan qaababkii hore ee ay ku socdeen sanadihii dambe, waxay ciyaaraha u iibin doonaan qaab ah bixi-intaad-daawatay (pay-per-view), taasoo ka dhigan inaan macmiilku u baahnayn inuu xirmo idil iibsado.

Tillaabadan ayaa isla habeen dambe dhaqan geleysa marka ay bilowdaan ciyaaraha isreebreeb-horaadyada Champions League oo ay kooxaha ciyaaraya ku jirto Liverpool, iyadoo kulankiiba lagu daawan karo inta u dhaxaysa 10 ilaa 15 euro.

b
Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close