Mbappe oo laga yaabo inuu ka qiimo bato Neymar

Image result for Mbappe Neymar

(Paris) 14 Agoosto 2017 Kooxda reer France ee PSG ayaa aad ugu sii dhawaanaysa dhamaystirka saxiixii labaad oo qaali ah kadib markii ay gacanta kudhigtay xaggaagan laacibkii Barcelona ee Neymar.

The Times ayaa baahisay in PSG aysan ku ekaan doonin kaliya Neymar, balse waxay isku diyaarinayaan in qiimo kale oo qaali ah ay ku soo qaataan Mbappe.

PSG ayaa kula soo wareegaysa Mbappe aduun dhan 190 milyan oo euro, laakiin lacagaha dalaalnimada iyo kuwa kale ee ku baxaya dhamaystirka heshiiska ayaa ka dhigaya heshiiska mid ka badan 222 milyan oo euro oo ah lacagtii ay ku soo qaateen Neymar.

Mbappe ayaa xalay keydka lagu abaalmariyay kulankii kooxdiisu ay 4-1 uga adkaatay kooxda Dijon oo ay marti u ahaayeen.

Murug badan iyo fikir ayaa ka muuqanayay wajiga weeraryahanka reer France kulankii xalay halka Falcao uu ahaa xiddiga garoonka kadib markii uu dhaliyay 3-leey.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close