Juventus, macallin Allegri, De Sciglio iyo Higuain oo baraha bulshada looga jeexjeexay + Sawirradii Tawitter-ka

(Roma) 14 Agoosto 2017 – Waxaa xalay ciyaar cajiib ahayd ku kala baxay kooxaha Juventus vs SS Lazio oo ciyaaray final-ka Super Coppa Italianna oo ku qabsoomay magaalada Roma.

Ciyaartan oo ay Lazio 3-2 ku badisay weliba qaab daramaatik ah ayaa waxaa kaddib baraha bulshada lala tegey kooxda Juve, macallinkeeda Allegri iyo laacibka ku cusub ee Matia De Sciglio oo dhowaan ugasoo biiray dhanka AC Milan.

Waxyaabihii qosolka badnaa waxaa ka mid ah in De Sciglia laga soo bixiyay 12 milyan oo khasaartay, in Allegri uu Juve gaarsiiyay seddexleey guuldarro ah maaddaama koobab looga qaaday 3 final oo xiriir ah oo ka kala dhacay Dooxa, Cardiff iyo Roma.

Laacibiinta kale ee la maagay waxaa ka mid ah qannaaska kooxdaasi ee Gonzalo Higuain oo ay sanad ka hor Juve ku khasirtay lacag ku dhow 100 milyan oo euro.

b1 b2 b3 b4 b5 b6 b7 b8 b9 b10 b11 b12 b13 b14 b16 b17 b18 b19 b20 b21 b22 b23 b24 b25 b26 b27 b29 b30 b31 b33 b34 b35 b36 b37 b38 b39 b40 b41 b42 b43 b44 b45 b46 b47 b48 b49 b50 b51

Untitled

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close