Jamaahiirta Man United oo fahmi waayey macnaha Tattoo-ga cusub ee Mourinho

m1

(Mancehster) 14 Agoosto 2017. Waxa ay u muuqataa in Jose Mourinho uu markale booqday gaabaha lagu sawiro Tattoo-yada.

Tababbaraha Manchester United QADDA uu isku xardhay waxaa qarisay saacadiisa.

Wey adagtahay in la aqriyo waxa ku qoran gacantiisa.

Hase ahaatee, taageereyaasha United waxa ay ku faraxsan yihiin Tattoo-ga uu isku dhigay tababbarehooda.

m2

Waxaa la arkay Tattoo-ga uu isku sawiray kulankii ay axadii 4-0 uga badiyeen West Ham.

Sida laga soo xiganayo Daily Mail, Mourinho Tattoo-gii ugu horreeyey waxa uu isku sawiray afar sano kahor.

£80 ayuu ku bixiyey in lagu QORO ‘Tami; naaneesta xaaskiisa Matilde Faria iyo carruurtiisa kafka gacantiisa.

Shaki badan ayey ka qabaan taageereyaasha United hadda tan uu isaga sawiray isla booskii hore.

Laakiin muuqaalada waxa ay muujiyaan in qaabka ay u dhigan tahay ay aad uga duwan tahay tii hore.

Dhinaca kale Mourinho waxa uu caan ku yahay ololihiisa labaad ee qaado horyaalka.

m4

Waqtiga ayaa sheegi doona in uu sidaas ku sameeyo Manchester United.

Laakiin calaamadaha muuqda waa kuwo yididiilo leh kaddib markii uu Romelu Lukaku wacdaro dhigay xalay.

m3

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close