FC Bayern München oo qandaraas iidheh ah la gashay garoonka Hamad International Airport (HIA) + Sawirro

(Munich) 14 Agoosto 2017 – Bayern Munich ayaa kal-horaadkii bandhig xumo wayni ka muuqatey iyadoo ay kooxihii ay la ciyaartay oo dhami garaaceen marka laga reebo Arsenal oo ay qilqiil kaga adkaatay.

Yeelkeede, dhanka suuq gaynta iyo dhaqaale samaynta hawada ayay maraysaa waxayna soo xasilisay heshiis iidheh ah oo qaali ah oo ay la gashay garoonka magaalada Doowxa ee dalka Qadar ku yaalla ee Hamad International Airport (HIA) oo ka muuqan doona gacmaha funaanadaha Bayern Munchen oo ka qayb geleysa horyaalka Jarmanka oo bilaabmi doono todobaad dhamaadka soo aaddan.

Waxaa la qabtay shir jaraa’id oo heshiiskan lagu soo bandhigay, waloow aan la faahfaahinin tibxaha heshiiska, balse waxay u muuqataa in la qanciyay dalabka kooxda reer Bavaria ee koonfurta Jarmanka, taasoo sponsor-ka ugu wayni uu yahay Deutsche Telekom, oo kula jirta qandaraas soconaya tan iyo 2023 oo ay sanadkiiba ku qaadato 40 milyan oo euro.

b1 b3 b4 b7 b8 b9 b10

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close