“Cudur daar ma lihin” – Allegri oo ka hadlay guul daradii ka soo gaartay Lazio

(Torino) 14 Agoosto 2017 Tababaraha kooxda Juventus ee Massimiliano Allegri ayaa ka hadlay guul daradii xalay dhabarka loo saariyay kooxdiisa Final-kii Super Cup-ka talyaaniga.

Allegri ayaa sheegay in kooxdiisu aysan wax cudur daar ah u haysan guul daradii 2-3 ee ay kala kulmeen Lazio xalay.

50 jirkaan oo la hadlay Rai Sport dhamaadkii ciyaarta ayaa yiri:

“Lazio waa ay u qalantay guusha,  marka laga soo tago goolkii ay dhaliyeen waqtigii ugu danbeeyay ciyaarta, aad ayaan u xumayn kulan kaan”.

“Waxay ahaayeen dhanka fiican aad ayeey u dagaalamayeen, anaguse uma ciyaarin sidii nalaga doonayay marka lagareebo 30-kii daqiiqo ee ugu danbeeyay ciyaarta”.

“kadib guul daradaan waxaa haboon inaan istaagno oo aan ka fikirno xaalkeena, guushu ma ahan wax fudud”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close