Cristiano Ronaldo oo la ganaaxi karo 4 ilaa 12 kulan

crrr

(Catalonia) 14 Agoosto 2017. Cristiano Ronaldo ayaa kaarka cas loo taagay kulankii xalay ee El Clasico ay 3-1 uga adkaadeen Barcelona lugta hore ee Supoercopa ee lagu soo ciyaara Camp Nou.

Xiddiga reer Portugal ayaa gool cajiib ah dhaliyay balse jaale ku muteystay dabaal degga uu sameynayay maadaama uu maaliyada siibta, waxaana u xigay in jaale kale lagu siiyo inuu dhulka isku tuuray mar uu raacanayay Samuel Umtiti.

Dhibaato ma noqon lahayn Roosaha uu ku qaatay labadaasi Jaale balse laacibka ayaa kala tuuray garsoore Ricardo de Burgos Bengoetxea intuusan ka bixin garoonka taa oo keeni karta in la ganaaxo afar ilaa 12 kulan.

Qodobka 96 ee shuruucda xiriirka Spain ayaa qoraya in garsoore la kala tuuro ay kugu sababi karto ganaax dhan 4 ilaa 12 kulan.

Waxaa sheekada sii fool xumeynaya in garsoore De Burgos Bengoetxea uu warbixinta rasmiga ah ee kulanka uu ku daray inuu Ronaldo kala tuuray.

“Markii kaar cas loo taagay, si tartiib ah ayuu ii riixay ciyaaryahanka isagoo muujinaya inuusan ku qanacsanayn go’aanka garoonka looga saaray,” sidaa ayuu garsooraha qoray.

Real Madrid ayaa iminka si murugo leh ku suganeysa ganaax ceynkee ah ayaa la dul dhigi doonaa xiddigooda, ma afar kulan mise 12 kulan.

Cristiano Ronaldo pushes referee after being shown red card in El Clasico

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close