Carlos Bacca oo qarka u saaran inuu ku biiro kooxda Villarreal

(Milano) 14 Agoosto 2017 – Carlos Bacca ayaa la sheegayaa inuu ka dhaqaaqayo AC Milan isagoo Villarreal kula biiraya amaah sanad kaddib ay waajib tahay in la iibsado.

Labada naadi ayaa maanta ka wada xaajoonayay heshiiska laacibka, oo fiidkan kasoo tegey xerada tababarka Milanello, taasoo muujinaysa inuu heshiisku dhow yahay.

Webka Alfredo Pedulla ayaa qoraya in uu heshiisku aad u dhow yahay iyadoo qaaciddada heshiisku uu yahay amaah ay khasab tahay in xagaaga si rigli ah loogu biiriyo safka Gujisyada Hurdiga ah.

Waxa dhimani waa in la isku raaco amaahda 12 bilood ah kaddib lacagta lagu iibsanayo oo u dhaxayn doonta €16m iyo €18m, iyadoo Rossoneri oo gorgorada meel sare ka bilowday ee haatan hoos usoo dhacday.
b
Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close