Busquets oo qirtay in Barcelona ay u baahan tahay ciyaartoy cusub kadib guul daradii El-Clasico

(Barcelona) 14 Agoosto 2017 Laacibka qadka dhexe ee Barcelona Sergio Busquets ayaa ka hadlay guul daradii xalay soo gaartay kooxdiisa.

Busquets ayaa rumaysan in kooxdiisu ay u baahi qabto ciyaartoy cusub, wuxuuna intaa ku daray in natiijadii ciyaarta aysan ahayn mid ka turjumaysa xaqiiqda wixii ka dhacay gudaha garoonka.

“Qaab ciyaareedka iyo natiijadu ma ahayn kuwo isku dhigma,  laakiin waan ogayn in Real ay awoodo inay goolal ku dhalin karto weerarka rogaal celiska ah” ayuu u sheegay  TV3 dhamaadkii ciyaarta.

“Ma aanaan ahayn kuwo liita, waxayna ahayd inaan samayno wax intaas ka fiican, waxaan fursad u haysanay inaan barbarayno laakiin taasi ma dhicin ugu danbayntii”.

“Kooxdaan uguma baahna ciyaartoy sabab la xiriirta natiijada ciyaarta, laakiin waxaan ugu baahanahay inaan is cusboonaysiino”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close