Maxaa ka jira in Wilshere uu taam yahay oo tababare Wenger uu been ka sheegayo?

(London) 13 Agoosto 2017 Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa sheegay in Jack Wilshere uusan wali taam u ahayn u ciyaarida kooxda.

Laacibka reer ingiriis ayaa ka soo caafimaaday dhaawac soo gaaray bishii April waqtigaas oo uu amaah kula joogay Bournemouth.

Jack Wilshere is wanted by Newcastle this summer

Sida ay baahisay The Sun, Jack Wilshere ayaa u sheegay asxaabtiisa inuu si buuxda taam u yahay balse tababare Wenger uu ka hor istaagay inuu ka soo muuqdo shaxda kooxda.

“Jack waa taam, wuxuu ku dhawyahay inuu baxo laakiin laguma soo darin shaxda kooxda” ayuu yiri shaqsi u dhaw Wilshere oo la hadlay The Sun.

“Wenger wuxuu dadka u sheegay in Wilshere uusan taam ahayn, laakiin Jack wuxuu dareemayaa xaalad aad u saraysa” ayuu sii raaciyay.

Newcastle United ayaa aad u doonaysa saxiixa 25 jirka reer ingiriis kaas oo boos joogto ah aan ka haysan kooxdiisa Arsenal.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close