Man United oo loo sheegay in Ivan Perisic uu sii joogayo Inter

(Milan) 13 Agoosto 2017 Tababaraha kooxda Inter Milan ee Luciano Spalletti ayaa u sheegay Manchester United in Ivan Perisic uu doortay inuu iska sii joogo kooxdiisa.

Xiddiga reer Croatia ayaa diirada u saarnaa kooxda Manchester United suuqa xaggaagan laakiin tababare Spalletti ayaa sheegay in laacibku uu sii joogi doono.

Spalletti

“Ivan Perisic waa uu nala sii joogi doonaa, wuxuu iila hadlay sida laacib xirfad le ah oo u baahan inuu qaato go’aan fiican” ayuu yiri Spalletti.

“Wuxuu kamid noqonayaa tiirarka ugu muhiimsan kooxda xiliciyaareedka cusub” ayuu sii raaciyay tababaraha reer talyaani.

Inter Milan ayaa dhawr dalab oo lagu doonayay Ivan Perisic ka soo diiday Man United suuqa xaggaagan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close