JUVENTUS VS SS LAZIO: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan Italian Supper Cup

(Roma) 13 Agoosto 2017 – Waxaa caawa koobka Super Coppa Italianna ku ballansan kooxaha Juventus vs SS Lazio oo ku wada ciyaaraya gegada Stadio Olympico ee magaalada Roma.

Dhanka Juve: Kooxda Bianconeri ayaa ciyaaraysa shaxda 4-2-3-1. Waxaa shaki ku jiraa midkii safanaya dadabyada De Sciglio-Lichtsteiner oo dhanka midig isku haysta, iyadoo Barzagli laga door bidayo Rugani iyo Benatia oo uu bara bixinayo Chiellini.

Khadka dhexe waxaa xirtey Marchisio iyo Pjanic. Weerarkana waxay doodi dhex taallaa Cuadrado iyo Douglas Costa, iyadoo uu horreeyo Brazilian-ku, inta kale waa sidii hore.

Dhanka Lazio: Waxaa safka kooxda si la yaab leh looga tuuray Keita oo ka maqan xulka Inzaghi: Kaasoo xanuun ”muruqa” ah ka dhigay marmarsiinyo ”diblomaasiyadeed” oo laacibkan Senegalese-ka ah loogu diiddan yahay inuu la kulmo kooxda uu aadka u doonayo inuu ku biiro. Felipe Anderson, oo aan jir ahaan taam ahayn ayaa kaydka ku bilaaban kara.

Untitled

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close