EPL: Romelu Lukaku oo ka caawiyay Man United guul ay ka gaartay West Ham +SAWIRRO

(Manchester) 13 Agoosto 2017 Weerar yahanka ku cusub Manchester United ee Romelu Lukaku ayaa ka caawiyay guushii ugu horaysay ee horyaalka kooxdiisa.

33-daqiiqo Romelu Lukaku ayaa shabaqa ku hubsaday goolkii ugu horeeyay ee Man United kadib kubadd uu ka soo shaqeeyay Rashford, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 1-0.

Lukaku races in behind Winston Reid to shoot low past Joe Hart to score his first Premier League goal for United

Ciyaartoyda West Ham ayaa isku dayay inay iska soo gudaan goolkii looga hormaray laakiin uma suurogalin, qaybtii hore ayaana lagu kala nastay 1-0 oo United ay hogaanka ku haysay.

Qaybtii labaad, wiilasha tababare Jose Mourinho ayaa halkooda ka sii waday qaab ciyaareedkooda wacan, Rashford ayaana si wayn uga dhex muuqday ciyaarta.

52-daqiiqo Romelu Lukaku ayaa hogaanka u sii dheereeyay kooxdiisa kadib markii uu madaxeeyay laad xor ahaa oo uu soo qaaday Mkhitaryan, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 2-0.

Joe Hart watches as Lukaku guides his header into the bottom corner

Weerar yahanka ku cusub West Ham ee Arnautovic ayaa ku dhawaaday inuu gool u soo celiyo kooxdiisa kadib markii kubadd uu madaxeeyay ay ku dhacday birta.

87-daqiiqo Martial oo badal ku soo galay ciyaarta ayaa goolasha u sii dheereeyay United kadib kubadd uu ka helay Mkhitaryan, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 3-0.

Dhamaadkii ciyaarta Pogba ayaa hurdo u diray ciyaarta kadib markii uu shabaqa dhex dhigay kubadd uu ka helay Martial, wuxuuna ka dhigay 4-0.

Pablo Zabaleta was one of four players making a league debut for West Ham

Nemanja Matic made an impressive display in the heart of the United midfield

Phil Jones pays close attention to Javier Hernandez who had little chance to shine on his debut

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close