Arsenal oo ka hartay doonistii saxiixa Thomas Lemar

Thomas Lemar

(London) 13 Agoosto 2017 Kooxda Arsenal ayaa isaga hartay doonista laacibka reer France ee Thomas Lemar kaas oo diirada u saarnaa kooxda suuqa xaggaagan.

Arsenal ayaa laga soo diiday dhawr dalab oo ay ka gudbisay Thomas Lemar xaggaagan, Monaco ayeeyna ka go’antahay inay sii haysato laacibkeeda.

Wenger Ozil

Express ayaa baahisay in tababare Arsene Wenger uu isaga haray doonistii saxiixa Thomas Lemar kadib markii uu ogaaday in Monaco aysan fasaxayn laacibka xaggaagan.

Tababaraha reer France ayaa haatan xooga isugu geynaya celinta Sanchez, Ozil iyo Chamberlain kuwaas oo qandaraaskoodu uu dhacayo dhamaadka xiliciyaareed kan.

Wenger ayaana ku dadaalaya sidii uu dhamaan ciyaartoydaan uga saxiixi lahaa heshiis cusub maadama ay daba joogaan kooxo badan oo ka dhisan yurub.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close