AC Milan oo €75m + Niang ku raadinaysa qannaaska Andrea Belotti

(Milano) 13 Agoosto 2017 – AC Milan ayaa €75m iyo M’Baye Niang ku doonaya inay ku qanciyaan kooxda Torino si ay uga soo qaataan Andrea Belotti, sida ku dhigan warsidaha La Stampa.

Wargayska reer Torino ayaa sheegay in Rossoneri aysan weli ka harin hardanka ay ugu jiraan Il Gallo iyadoo Massimiliano Mirabelli Jimcihii lagu arkay ciyaartii ay Torino 7-1 ku Trapani kula tumatay Coppa Italia.

Haatan waxaa soo baxaysa in Milan ay €75m oo euro oo lagu daray Niang, ku doonayso Belotti oo laftiisu ah taageere Milan, iyadoo Niang uu yahay laacib uu jecel yahay Sinisa Mihajlovic oo ay Milan wada joogeen.

Qandaraaska Belotti ayaa lagu fasiqi karaa €100m oo euro, balse waxaa shuruudda ka baxsan kooxaha Talyaaniga, iyadoo warkani soo baxayo saacado uun kaddib markii uu codeeyay qannaska Borussia Dortmund ee Pierre-Emerick Aubameyang oo caddaystay inuu jecel yahay inuu ku biiro kooxda San Siro.

nl

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close