Neymar iyo qareenadiisa oo diidan inay dagaal lagalaan Barcelona

Image result for Neymar barcelona

(Barcelona) 12 Agoosto 2017 Neymar ayaa dagaal lagali doonin kooxdiisii hore ee Barcelona kadib markii ay diideen inay bixiyaan 26 milyan oo euro oo horay loogu heshiiyay in la siiyo aabihiis.

Laacibka reer Brazil ayaa qaab lama filaan ah uga tagay Barcelona kadib markii PSG ay miiska saartay lacagta burburinta heshiiskiisa.

Neymar Bartomeu

Mid kamid ah qareenada Neymar ayaa sheegay in dacwadooda aysan u gudbin doonin FIFA, balse wuxuu rajo ka muujiyay in Barcelona ay is garato oo ay fuliso wixii lagu heshiiyay.

“Lacagtaas waa abaal marin qayb ka ahayd heshiiska, waxaan rajaynaynaa inay gartaan wixii lagu heshiiyay” ayuu yiri qareenka Neymar.

“Waxaan la hadlaynaa Barcelona mana ku fikirayno inaan u dacwoono FIFA, xiriir fiican ayaan la leenahay Barcelona”.

Qareenka ayaa intaa ku daray in Neymar wali uu xiriir fiican la leeyahay Barcelona, waxaana jira wadahadal u dhexeeya laacibka iyo maamulka Barca si loo bixiyo lacagtii lagula heshiiyay in la siiyo Neymar aabihiis.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close