EPL: Watford oo barbaro ku celisay Liverpool, xili uu shabaqa soo taabtay Salah + SAWIRRO

(Watford) 12 Agoosto 2017 Kooxaha Liverpool iyo Watford ayaa ku kala baxay barbaro 3-3 ah kadib ciyaar aad u xiiso badnayd oo ka dhacday garoonka Vicarage Road.
8-daqiio Stefano Okaka ayaa hogaanka u dhiibay Watford kadib markii uu ka faa’idaystay difaaca Liverpool oo aad u liitay ciyaartaan, wuxuuna ka dhigay 1-0.
Ciyaartoyda Liverpool ayaa durbadiiba hurdada ka kacay, waxayna dadaal dheer u galeen sidii ay isaga gudi lahaayeen goolka looga hormaray.
29-daqiiqo Sadio Mane ayaa goolka barbaraha u dhaliyay Liverpool kadib kubadd uu ka helay Emre Can, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 1-1.
3-daqiiqo kadib Abdoulaye Doucoure ayaa hogaanka dib ugu soo celiyay Watford, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 2-1.
Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-1 oo Watford ay ku hogaaminaysay.
Qaybtii labaad, ciyaartoyda Liverpool ayaa u muuqday kuwo lagu soo canaantay qolka dharbadalka, waxayna soo bandhigeen qaab ciyaareed ka wacan kii qaybtii hore.
55-daqiiqo Roberto Firmino ayaa gool ku laad ugu soo barbareeyay Liverpool, wuxuuna ka dhigay natiijada ciyaarta 2-2.
2-daqiiqo kadib Mohamed Salah ayaa hogaanka u dhiibay Liverpool kadib kubadd fiican oo uu ka helay saaxiibkiis Roberto Firmino, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 2-3.
Dhamaadkii ciyaarta, daafaca Watford ee Miguel Britos ayaa wadnaha istaajiyay taageerayaasha Liverpool kadib markii uu ka dhaliyay goolka barbaraha, wuxuuna ka dhigay 3-3.
Ciyaarta ayaana sidaas ugu soo idlaatay 3-3.
Gool FM