DEG DEG: Maxamed Faarax oo looga guulaystey 5 kun ee mitir + Sawirro

(London) 12 Agoosto 2017 – Orodyahanka Britain u orda ee Mo Farah ayaa laga jejebiyay inuu waayihiisa rikoodh jebiska ah kasii amba qaado ciyaaraha fudud ka gadaal markii uu ka badin waayay billadda qalinka orodka 5,000 ee mitir ee World Championships oo ka soconaya London.

Farah, oo inta badan tartanka gacanta ku hayay, ayaa ku guuldarraystay inuu ka dheereeyo Muktar Edris oo u ordayay Itoobiya taasoo meesha ka saartay riyadiisii ahayd inuu billad kale oo dahab ah ku daro guushiisii 10 kun  ee mitir ee todobaadkii tegey.

Faarah ayaa 100m ee ugu dambeeyay, waxaa dhexda gashaday Edris, orodyahanka Ameerikaanka ah ee Paul Chelimo iyo Selemon Barega. Faarax ayaa waloow uu boos fiican helay wuxuu ku dhamaystay 13:33:32.

Edris, ayaa guusha kaddib wuxuu sameeyay astaanta Faarax ee Mobot-ka lamase oga inuu ku shidanayay ama uu ku ixtiraamayay xiddiga uu ka badiyay.

b b1 b2 b3 b5 b6 b8

b

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close