Waa imisa mushaarka Kylian Mbappe uu ka qaadanayo sanadkii PSG?

Image result for Kylian Mbappe PSG

(Paris) 11 Agoosto 2017 Kooxda reer France ee PSG ayaa marsiinaysa gabogabo heshiis kale oo taariikhi ah kaas oo ay ku qaadanayaan Kylian Mbappe.

PSG ayaa mushaar dhan 18 milyan oo euro oo ka banaanka ah canshuurta siin doonta da’yarka Monaco ee Kylian Mbappe sanadkii.

Qiimaha PSG ay ku soo qaadanyso Kylian Mbappe ayaa ah 160 milyan oo euro oo lagu siidarayo 20 milyan oo ah lacagaha ku baxaya dhamaystirka heshiiska sida ay baahisay L’Equipe.

Saxiixa Kylian Mbappe ayaa ka dhigaya PSG inay laba laacib oo kaliya ku bixisay lacag dhan 400 milyan oo euro, kooxda ayaana ku qasban inay iska iibiso ciyaartoyda qaar si ay uga badbaado jabinta sharciga dhaqaale wanaaga kooxaha yurub.

Milkiilayaasha reer Qatar ayeey ka go’antahay sidii ay u dhisi lahaayeen koox awood leh oo sifiican uga dhex muuqata koobka horyaalada yurub sanad walba.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close