Liverpool oo beenisay in Philippe Coutinho uu u soo gudbiyay codsi ah in lafasaxo

Image result for Coutinho

(Liverpool) 11 Agoosto 2017 Kooxda Liverpool ayaa beenisay in laacibkooda Philippe Coutinho uu u soo gudbiyay in la fasaxo xaggaagan.

Sky Sports ayaa daaha ka qaaday saacad ka hor in Philippe Coutinho uu u gudbiyay maamulka Liverpool warqad uu ku dalbanayo in la fasaxo.

Laakiin durbadiiba Liverpool ayaa jawaab ka bixisay warka Sky Sports, waxayna sheegeen in Philippe Coutinho uusan u soo gudbin codsi ah in lafasaxo.

Warar dheeraad ah oo la helayo ayaa sheegaya in Philippe Coutinho uu diyaariyay warqada codsiga ah balse ilaa haatan uma uusan gudbin Liverpool.

Maanta ayeey ahayd markii Maamulka Liverpool ay si cad u sheegeen in Coutinho uusan ka tagi doonin kooxda xaggaagan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close