Laacibka xulka qaranka Soomaaliya ee Macaani oo dib ugu soo laabtay tababarka fudud…+SAWIRRO

(Muqdisho) 11 Agoosto 2017. Axmed Xasan Macaani ee qadka dhexe kaga ciyaara kooxda Dekadda iyo xulka qaranka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn dib ugu soo laabtay tababarka fudud kaddib markii laga furay jabka.

Macaani ayaa waxaa dhaawac jab ah ka soo gaaray lugta mar uu ka qeyb qaadanayay tartanka fuustalka ee bisha ramadaan lagau qabto salaxa Shiirkole.

Wuxuu seegay kulamadii ugu dambeeyay ee horyaalka Soomaaliya waloow ay kooxdiisa Dekadda si qurux badan ugu guuleysatay horyaalka.

Lama garanayo goorta uu sida saxda ah ugu soo laaban doono garoomada balse waxa uu dib u bilaabay tababarka fudud ee jimicsiga, waxaan u rajeynaynaa inuu si buuxda u soo kabto.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close