FURITAANKA EPL: Gunners oo guul ay u dhididey gurigeeda uga gaartey kooxda Leicester + Sawirro

(London) 11 Agoosto 2017 – Waxaa caawa si rasmi ah u furmay horyaalka dalka Ingiriiska oo ay kulan lasoo hormariyay yeesheen kooxaha Arsenal vs Leicester City, waxaana 4-3 guul ay u dagaallantay horyaalka EPL ku furatay kooxda Gunners oo gurigeeda loogu marti ahaa.
Goolasha waxaa Gunners u dhaliyay Alexandre Lacazette oo goolkiisii ugu horreeyay ka dhaliyay EPL, Danny Wellbeck, Aaron Ramsey iyo Olivier Giroud, halka 3-da Dawacooyinka ay dhaliyeen Shinji Okazaki iyo Jaime Vardy oo labada kale ansixiyay.
Kooxda Gunners oo 2-3 lagu hoggaaminayay ayaa 2 daqiiqo gudohood barbarrihii iyo guushiiba ka dhalisay kooxda Leicester City, taasoo aad uga farxisay taageerayaasha Arsenal oo durba Twitter-ka ka bilaabay gunuunucii caanka ahaa ee #Wingerout.
Waloow ay guul gaartey misna kooxda Arsenal ayay khasab ku tahay in ay dib u eegis ku sameeyso daafeceeda biya dayska badan haddiiba ay doonayso inay figta sare ka gasho horyaalka caawa furmay.

Gool FM