DEG DEG: Philippe Coutinho oo u gudbiyay Liverpool codsi ah in la fasaxo

Philippe Coutinho

(Liverpool) 11 Agoosto 2017 Philippe Coutinho ayaa dalab rasmi ah u gudbiyay maamulka kooxdiisa Liverpool sida ay baahisay Sky Sports.

Laacibka reer Brazil ayaa u gudbiyay maamulka Liverpool codsi uu ku dalbanayo in loo ogolaado inuu u dhaqaaqo Barcelona.

Warkaan ayaa yimid kadib markii maanta Liverpool ay soo saartay bayaan rasmi ah oo ay ku diidayso iibka Philippe Coutinho.

Waxaa muuqanaya in 25 jirkaan uu aad u doonayo ka garab ciyaarida Lionel Messi iyo saaxiibkiisii hore ee Luis Suarez.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close