Barcelona oo ogolaatay in Neymar uu u ciyaaro PSG

skysports-neymar-neymar-jr-psg-paris-saint-germain-football_4065765

(Paris) 11 Agoosto 2017 Barcelona ayaa ugu danbayntii ogolaatay in Neymar uu u ciyaaro kooxdiisa cusub ee PSG markii ugu horaysay.

Kooxda reer Spain ayaa diiday markii hore inay bixiso ogolaanshaha warqada fasaxa Neymar taas oo u ogolaanaysa sharci ahaan inuu u ciyaaro kooxdiisa cusub.

Neymar PSG 1

L’Equipe ayaa daaha ka qaaday in Barcelona ay u fasaxday xiriirka kubadda cagta Spain in la siiyo Neymar warqadii ogolaashaha.

Xiriirka kubadda cagta France ayaa sugaya ilaa barri si loo soo gaarsiiyo warqadaha Neymar, waxaana la filayaa in laacibku uu u ciyaaro axada kooxdiisa PSG.

PSG ayaa axada u martin doonta kooxda Guingamp ee horyaalka France, kulankaas ayaana noqon doona kan ugu horeeya ee Neymar uu ka soo muuqan doono kooxdiisa cusub.

Gool FM

Xariir La Leh

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close