ACM VS FFP: Hannaanka dhaqaale wanaagga UEFA sidee ayuu u qabanayaa AC Milan?

(Nyon) 11 Agoosto 2017 – Mid ka mid ah maskaxda ka dambeeysa hannaanka dhaqaale wanaagga UEFA Financial Fair Play ayaa hoosta ka xarriiqay “inuusan jirin dhib u dhexeeya” UEFA iyo AC Milan.

Ninkan ayaa maanta u warramay La Repubblic, Umberto Lago – oo ah dhaqaale yahan la wada ogyahay inuu yahay raggii dhidibada u taagey hannaanka FFP – ayaa xaqiijiyay in AC Milan ay xor tahay wax kasta oo ganaax ama xannibaad ah fasal-ciyaareedka 1-aad, balse wuxuu Rossoneri xusuusiyay mas’uuliyadda ka saaran inay horay u socdaan.

“Heshiiska mutadawacnimada ah? Wax dhibaato ihi ma jiraan, marka uu suuqani xirmo ayay mar kale soo xareeysan karaan,” ayuu yiri Lago.

“Milan waa inay caddaysaa sida qorsheheeda la iskugu halleeyn karo 4-ta sano ee soo aaddan, balse sanadka 1-aad waa ka xor wax kasta oo ganaax iyo xannibaad ah, waayo mashruucoodu waa 4 sano maaddaama ay milkiyad cusub ku wareegtey.” ayuu daba dhigay.

b
Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close