XOG: Juventus oo €40m ka bixinaysa qandaraaska Sergi Roberto

(Torino) 10 Agoosto 2017 – Warar ka imanaya Spain ayaa soo jeedinaya in Juventus ay u diyaar tahay inay bixiso €40m oo lagu fasiqi karo qandaraaska laacibka Barcelona ee Sergi Roberto.

Laacibkan 25-jirka ah ee khadka dhexe iyo dambeedka ka dheela, ayaa 47 kulan kooxdiisa u saftay fasalkii tegey, iyadoo haatan uu warsidaha Sport qorayo in Bianconeri ay qorshaynayso inay bixiso lacagtaasi waloow ay hardan kala kulmayso Chelsea iyo Manchester United.

Waxaa loo malaynayaa in Sergi Roberto uu doonayso inuu sii joogo Camp Nou, balse uu doonayo inuu ka dheelo booskiisa dabiiciga ah ee khadka dhexe taasoo uu kala hadli doono maamulka Blaugrana.

Sanadihii yaraa ee dambe wuxuu ka dheelayay dadabka midig, sidaa darteed wuxuu xitaa biddaal u noqon karaa Stephan Lichtsteiner, haddii uu Swiss ku ka tago Torino.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close